Duqsisga Geed Cunka Ah Ee "Emerald Ash Borer" Ee Magaalada Richfield

DUQSISGA GEED CUNKA AH EE “EMERALD ASH BORER” EE MAGAALADA RICHFIELD

Bishii May 2009, Waaxda Beeraha ee Minnesota waxay karantiil degdeg ah ka samaysay Degmada Hennepin ka dib markii Duqsiga Geed Cunka ah ee Emerald Ash Borer (EAB) laga helay aaggaas. Illaa intii karantiiltan la sameeyey, Richfield waxa ay si firfircoon ugu diyaar garoobaysay helida suurtogalka ah ee duqsiyo kale oo noocaas oo laga helo xadka magaalada. Bishii Maarso 2016, duqsiga “EAB” waxaa laga helay Richfield. Laga bilaabo 2022, duqsiga “EAB” waxaa loo arkay mid ku baahsan aaggaas oo dhan. Isticmaal boggan si aad wax badan uga ogaato duqsiga “Emerald Ash Borer” iyo waxaad samayn karto.

WAA MAXAY DUQSIGA GEED CUNKA AH EE “EMERALD ASH BORER?”

Duqsiga Geed Cunka ah ee “Emerald Ash Borer (EAB)” waa duqsi qalaad oo si lama filaan ah loogu soo dhoofiyay Maraykanka isagoo ku soo dhex dhuuntay alaabada baakadaha ee asal ahaan ka soo jeeda Aasiya. Dirxiga duqsiga “EAB” wuxuu quutaa jilif gudaha ah ee geedaha dambaska, taasoo carqaladaynaysa awoodda geedka inuu qaado biyaha iyo nafaqooyinka. Duqsiga EAB waxay horey u dishay tobanaan milyan oo geed gobolada laga helay. Marka laga reebo Minnesota, duqsiyo ayaa laga helay 34 gobol oo kale iyo Kanada (gobolada Ontario, Quebec, iyo Manitoba).

635971709160070000

GEEDAHA WADOOYINKA (DHIRTA GUUD) 

Dhirta guud, oo ay ku jiraan kuwa ku yaal wadooyinka iyo jardiinooyinka magaalada, waxay daryeelkooda iyo masuuliyadooda leh dawladda Magaalada Richfield. Qaybta Kaymaha Magaalada waxay isu diyaarinaysay wax ka qabashada duqsiga “EAB” tan iyo markii Degmada Hennepin la karantiilay. Qaybta Kaymaha waxay qaadatay Siyaasadda Maareynta duqsiga “EAB” oo ay ku jiraan:

  • Kiimikada lagu duro geedaha qaarkood
  • Ka saarida geedaha dambaska wadooyinka magaalada
  • Abuuritaanka geedo beddela oo noocyo kala duwan leh

Qorshahan waxaa loo sameeyay si looga hortago tiro badan oo jaritaanka geedaha marka duqsiga “EAB” laga helay Richfield. Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2021, Richfield waxay hoos u dhigtay tirada dambaska geedaha wadooyinka oo ahaa ka badan 3,000, kana soo reebtay ilaa in ka yar 1,000, iyada oo la ilaalinayo guud ahaan tirada guud ee geedaha dadweynaha.

Haddii aad ka shakisan tahay in geedka dambaska ah ee wadooyinka uu ku dhacay duqsiga “EAB,” fadlan kala xidhiidh Qaybta Kaymaha ee Magaalada Richfield oo telefoonkeedu yahay 612-861-9190.

GEEDAHA GURYAHA GAARKA LOO LEEYAHAY KU YAAL 

Geedaha ku yaal hantida gaarka ah waxaa mas'uul ka ah milkiilaha hantidaas. Hoos ka akhri su'aalaha iyo jawaabaha si aad u ogaatid sida loo garto geedka dambaska ah, go'aamina haddii uu ku abuurmay duqsigaas, iyo waxa aad samaynayso haddii aad ka shakisan tahay in aad leedahay geed jirran oo ku yaal hantidaada gaarka ah.

 Sideen ku aqoonsan karaa haddii aan leeyahay geed dambas ah?

Sideen ku ogaan karaa in geed dambaska ah uu ku dhacay dirxiga duqsigaas?

Calaamadaha caabuqa dirxiga duqsiga “EAB”  waxaa ka mid ah:

  • Caleemaha oo dhinta
  • Dhaqdhaqaaqa shimbiraha qoryaha qalalan cunta oo kordhay/dhaawac
  • Caleemaha Epicormic
  • Jirridda oo kala dillaacda
635974556091530000

Maxaan sameeyaa haddii geedkayga dambaska ah ee hantida gaarka ah uu ka dhaco dirxiga duqsiga “EAB?”

Haddii aad ka shakisan tahay in aad leedahay geed ku yaal gurigaaga oo uu ku dhacay dirxiga duqsigaas, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto qandaraasle geed oo gaar ah si aad u baarto geedkaaga; liiska qandaraaslayaasha ayaa ku yaal halkan. Qandaraaslayaashu waxay caadi ahaan u eegi doonaan geedkaaga taasoo bilaash ah, waxayna ku siin doonaan qiimaha daawaynta ama ka saarista geedka haddii loo arko lagama maarmaan. Magaaladu kuma talinayso hal qandaraasle, waxayna soo jeedinaysaa dadka deegaanka inay isticmaalaan shuruudahan marka ay dooranayaan qandaraasle:

  • Qandaraaslaha waa in uu ahaado mid shahaado ka haysta Hay’adda Caalamiga ah ee Xanaaneynta Geedaha “International Society of Arboriculture (ISA) Certified”
  • Qandaraaslaha waa inuu caymis haystaa
  • Haddii shaqada lagu taliyay, la xiriir ugu yaraan saddex (3) shirkadood si aad u hesho qiimo ugu wanaagsan
Ka saarida geedka ay duqsiga “EAB” saamaysay”

Xeerka magaaladu wuxuu u baahan yahay in geedka buka la gooyo ka hor inta aanu khatar noqon. Waxaad haysataa saddex doorasho oo lagu goynka karo geedka buka: 

  • Adigu goo geedka;
  • Kireyso oo bixi qandaraaslahaaga; ama,
  • Kireyso qandaraasle oo codso in kharashka geedka laga saaro in lagu qiimeeyo canshuurta gurigaaga. Si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan in kharashyada ka goynta geedkaaga lagu qiimeeyo cashuurta gurigaaga, fadlan la xidhiidh Hay’adda Howlaha Guud ee

XIRIIRO KALE OO INTERNET KA AH OO KU CAAWIN KARA